Wakhtiga La Qaban Doono Isku Aadka Wareega 16-ka Champions League.

0
93

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Waxa la soo afjaray kulamadii wareega Group-yada tartanka champions League.

16 kooxood ayaa si buuxda ugu soo baxa wareega xiga ee tartanka ugu xiisaha badan qaarada.

Kooxahaas ayaa haatan sugaya in ay ogaadaan kooxaha ay la ciyaari doonaan wareega 16-ka tartanka.

Kooxaha u soo baxay wareega 16-ka:

Arsenal (ENG)

Atlético de Madrid (ESP)

Barcelona (ESP)

Bayern (GER)

Copenhagen (DEN)

Dortmund (GER)

Inter (ITA)

Lazio (ITA)

Leipzig (GER)

Manchester City (ENG)

Napoli (ITA)

Paris (FRA)

Porto (POR)

PSV Eindhoven (NED)

Real Madrid (ESP)

Real Sociedad (ESP)

Sidee Ayuu isku aadku u shaqaynayaa?

Kooxaha ku dhamaystay kaalinta 1-aad ayaa ku aadi doona koxaha ku dhamaystay kaalinta 2-aad.

kooxaha isku dalka ah ayaan isku aadi doonin wareegan halka sidoo kale kooxaha isla ciyaaray wareegi Group-yada ayna isla ciyaari doonin.

Goorma ayaa la ciyaari doonaa wareega 16-ka?

Wareega 16-ka ee tartanka champions League ayaa la ciyaari doonaa 4 todobaad kadib.

Lugte hore aya la ciyaari doonaa 13 iyo 14 bisha February ee sanadka 2024

Lugte 2-aad aya la ciyaari doonaa 5 iyo 6 bisha March ee sanadka 2024

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here