Mohamed Salah Oo Qiimeeyay Fursadaha Liverpool Ee Ku Guulaysiga Premier League.

0
77

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Mohamed Salah ayaa kalsooni ku qaba in Liverpool ay awood u leedahay inay ku tartanto horyaalka premier League xilli ciyaareedkan ka dib guushii soo laabashada lahayd ee Sabtidii ay ka gaareen Crystal Palace.

Kooxda Liverpool ayaa si xun ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo ku dhibaatooday in ay fursado ka abuuraan ciyaarta.

Liverpool ayaa daqiiqadihii ugu dambeeyay soo laabtay iyaga oo guushaas hogaanka premier League ugu qabtay.

Kadib guusha Salah ayaa yidhi”Waxan arkaa maskaxdeena in aan ku dagaalamayno ilaa dhamaado waana waxa aan samaynay kulankan iyo kulankii hore”.

“Waa wax fiican oo aan kulan kasta ka qaadan karno waxa aan qabaa in aan xili ciyaareedkan ku guulaysan karno horyaalka”ayuu sii raaciyay.

Liverpool ayaa haatan hal dhibic ka horaysa kooxda Arsenal iyaga oo hogaaminaya horyaalka premier Legaue

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here