Kooxaha Gaadiidka iyo Dakaddaha Oo maanta markii ugu horaysay ku ciyaaraya Baydhab koobka Super Cap-ka

0
95

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Kooxaha Gaadiidka iyo Dakaddaha ayaa maanta markii ugu horaysay ku ciyaaraya Magaalada Baydhabo kama dambeysta koobka Super Cap-ka dalkeenna. Iyadoona labada Naadi tariiq fiican ay ku leeyihiin koobka Super Cap-ka.

Kooxaha Gaadiidka iyo Dakaddaha Finalkaan waxaa ku wehliyo xiiso kale oo ah in markii ugu horeysay ay ku ciyaraan meel ka baxsan magaalada Muqdisho.

Labadaan naadi ayaa diyaar garowgii ugu dambeeyay iyo isu diyaarinta kulanka galabta ay ka wadaan garoonka kubadda cagta Dr, Ayuub ee magaalada Baydhabo, iyagoona guddiyada xiriirka kubadda cagta soomaaliya iyo KGS tani ay u tahay dareen iyo guul u gaar ah horumarinta ciyaaraha Soomaaliya.

Shacabka magaalada Baydhabo gaar ahaan bahda ciyaaraha ayaa si aad ah ugu faraxsan in kulankaan lagu qabtay Baydhabo iyagoo xiisaynaya daawashada kulanka galabta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here