Supper Cup-ka Soomaaliya Oo lagu ciyaari doono Baydhabo

0
77

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Is badallada uu sameeyay xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda Cagta sanadkan waxaa ka mida in cayaarta Supper Cup oo ah cayaarta dalka Ugu sareysa lagu qabanayo meel ka baxsan magaalada Muqdisho markii ugu horeysay taariikhda kubbadda Cagta dalka.

Gudoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda Cagta mudane Cali Cabdi Maxamed ayaa markii xilka loo doortay horraantii sanadkan wuxuu sheegay in uu ku dadaalayo intii karraankiisa ah in kubbadda Cagta uu dalka oo dhan wada gaarsiiyo, waxaana tani ay qeyb ka tahay dadaallada kubbada Cagta dalka lagu wada gaarsiinayo.

Usbuucii lasoo dhaafay ayay ahayd markii tababarka FIFA MA ee garsoorayaasha da’da yar markii ugu horeysay loo qabtay garsooreyaal goballada dalka laga kala keeenay taasoo aan waligeed horay u dhicin.

cayaarta Supper Cup ee sanadkan waxaa ku loolamaya naadiyada kala ah Gaadiidka iyo Dekedda oo kusoo kala guulestay Horyaalka iyo koobka General Daa’uud.

cayaarta ayaa ka dhici doonta garoonka Dr Ayuub ee magaalada Baydhabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here