Lionel Messi Oo Ka Hadlay Xiddigii PSG Ee Xalay Kula Dagaallamay Garoonka Dhaxdiisa

0
71

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi ayaa warbaahinta horyimid si uu u dhalleeceeyo ciyaartoyda xulka qaranka Uruguay oo xalay guul-darro 2-0 ah u xambaarisay xulka la celin la’yahay ee Argentina oo muddo dheer aan guul-darro la kulmin.

Lionel Messi ayaa waxa uu ka cadhooday sida ay u dhaqmayeen ciyaartoyda Uruguay oo qaladaad badan iyo dagaal kula kacayay ciyaartoyda reer Argentina, iyadoo la ogaa in bishii horena ay jabiyeen xiddiga reer Brazil ee Neymar Jr oo ka maqnaanaya garoomada inta ka hadhay xilli-ciyaareedkan.

Messi ayaa usoo jeediyey ciyaartoyda Uruguay, in ay ixtiraamaan ciyaartoyda kasoo horjeedda, gaar ahaan kuwa da’ ahaan ka weyn, waxaana uu si gaar ah ula hadlayay khadka dhexe ee PSG ee Daniel Ugarte oo laga qab-qabanayay De Paul oo uu doonayay inuu la dagaallamo.

“Ma jecli in aan ka hadlo waxyaabaha aan ku arko ciyaartoyda garoonka dhaxdiisa, laakiin dadkan da’da yari waa inay bartaan sida loo ixtiraamo kuwooda waaweyn.” Ayuu yidhi Lionel Messi oo ay cadho ka muuqatay.

Waxa uu intaa ku daray: “Ciyaartani mar walba waa mid adag oo xafiiltan ah, laakiin mar walba ixtiraam badan ayaa jiri jiray, waa in ay kuwooda yaryari bartaan ixtiraamka.”

Dhawr jeer ayay ciyaartoyda labada xul isku dhaceen intii ay socotay ciyaartu gaar ahaan qaybta hore, waxaana dhacdada xusidda mudan ay ahayd markii qalad lagu galay Nicolas Gonzalez oo ay ciyaartoyda labada xul oo dagaallansan iskusoo xoomeen. Waxa isaga oo cadhaysan ku dhax-jiray Lionel Messi oo shaadhka qabsaday laacib kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here