Gabriel Jesus Oo Looga Yeedhay Waajibaadka Xulkiisa

0
125

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Gabriel Jesus ayaa looga yeedhay xulka qarankiisa inkasta oo uu dhaawac ku seegay 5-tii kulan ee ugu dambeeyay ee Arsenal.

Jesus ayaa dhaawac soo gaaray xilli danbe ciyaartii Arsenal ee Champions League ay la ciyaareen Sevilla 24kii October waxaana uu ku maqnaa ku dhawaad ​​seddex isbuuc dhaawac muruqa ah.

Ma uusan u ciyaarin Gunners intii uu ka soo kabsanayay dhaawaca waxana uu seegay kulankii Burnley ee Sabtidii inkastoo Mikel Arteta uu sheegay inuu fursad u helay inuu ciyaaro kulanka.

Inkasta oo uu kulamo ka maqnaa kooxdiisa, xiddiga reer Brazil ayaa looga yeedhay waajibaadka xulka qarankiisa iyada oo Brazil kulan muhiim ah la ciyaarayso xulalka Colombia iyo Argentine is reeb-reebka koobka adduunka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here