Man United Oo Boodhka Ka Jafatay 2 Rikoodh Oo Xun Oo Ay Dhigtay Kadib Guuldaradii Newcastle.

0
65

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Kooxda Man United ayaa rikoodh xun samaysay kulankii ay guuldarada kala kulantay Newcastle United kulankii Carabao cup-ka.

Man United ayaa guuldaro 3/0 ah kala kulantay kooxda Newcastle kulan ka dhacay Old Trafford.

Kooxda Erik Ten Hag ayaa laga reebay koobkii ay ku guulaysteen xilli ciyaareedkii hore kadib markii lagu reebay wareega 16-ka.

Kadib ciyaarta kooxda Man United ayaa loo diwaan galiyay rikoodho xun oo u galay taariikhda.

1.Manchester United ayaa guuldarooyin xiriir ah garoonkeeda ku soo gaadhay 3 iyo wax ka badan markii ugu horaysay tan iyo October 1962 kii, halka tani ay ahayd guushii ugu waynayd ee ay Newcastle ku gaadho Man United kulan ka baxsan garoonkeeda tan iyo September 1930 (7-4).

2.Manchester United ayaa laga badiyay 8+ ka mid ah 15-kii kulan ee ugu horeeyay hal xilli markii ugu horaysay tan ilaa 1962-63 (9), halka ay 10 kii kulan ee ugu horeeyay gurigeeda laga badiyay shan ka mid ah markii ugu horaysay tan iyo 1930-31.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here