Haaland Oo Jabiyay Rikoodh Uu Erling Haaland Ka Dhigay Champions League.

0
56

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Erling Haaland ayaa jabiyay rekoodh Champions League ah oo uu hore u haystay Kylian Mbappe ka dib markii uu laba gool ka dhaliyay Young Boys kulankii ay Man City ku badisay 3/1.

Man City ayaa badisay kulan ay iska caabin kala kulantay kooxda Young Boys iyada oo Haaland iyo Akanji u dhaliyeen labada gool.

Haaland ayaa dhaliyay goolka 1-aad kadib markii rikoodhe loo dhigay kooxdiisa iyada oo ciyaartu marayso 1/1.

Kadib Haaland ayaa dhaliyay goolka 2-aad daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta isaga oo kooxdiisa ku hogaamiyay guul weyn.

Isaga oo jira 23 sano iyo 96 maalmood, Haaland wuxuu noqday ciyaartoygii abid ugu da’da yaraa ee 37 gool ka dhaliya Champions League.

Xiddiga reer Norway ayaa jabiyay rikoor uu horay u haystay xiddiga kooxda Paris Saint-Germain ee Mbappe kaas oo dhaliyay 37 gool isaga oo jira 23 sano iyo 295 maalmood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here