Mikel Arteta Oo Xaqiijiyay Dhaawac Soo Gaadhay Gabriel Jesus.

0
54

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Tababaraha Arsenal Mikel Arteta ayaa xaqiijiyay in Gabriel Jesus uu dhaawac muruqa ah ka soo gaaray kulankii ay Gunners 2-1 kaga badisay Sevilla kulan ka tirsanaa champions League.

Kooxda Arsenal ayaa ku soo laabatay wadada guulaha champions League kadib markii ay guuldaro kala kulmeen kooxda Lens.

Gabriel Jesus ayaa dhaliyay goolka 2-aad ee kooxdiisa isaga oo ku hogaamiyay guushoodii 2-aad ee tartanka champions League.

Ciyaarta kadib tababaraha kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa ka warbixiyay xaalada dhaawac ee xiddiga reer Brazil.

Mar la waydiiyay xaalada Jesus ayuu yidhi”Waxa uu xanuun ka dareemay Muruqa sidaas darteed aynu eegno”.

“Markiiba waxa dalbaday in la badalo taas oo aan ahayn wax fiican, Jesus waa ciyaartay aan si dhib yar badal ku dalban”ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here