Milkiilaha Cusub Ee Man United Ratcliffe Oo Durba Su’aal Ka Keenay Saxiix Ay Kooxdu Samaysay.

0
86

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Milkiilaha kooxda Manchester United Sir Jim Ratcliffe ayaa ka hadlay dhaq dhaqaaqii hore ee suuqa kala iibsiga ee kooxda.

Maalqabeenka reer England, ahna madaxa INEOS, ayaa tilmaamay halka ay United ku fashilantay suuqa tobankii sano ee la soo dhaafay.

Ratcliffe, oo doonaya inuu iibsado boqolkiiba 25 kooxda oo uu si buuxda u maamulo arrimaha ciyaaraha, ayaa Casemiro u aqoonsaday in uu yahay saxiix liita.

Sida laga soo xigtay The Mail, Ratcliffe ayaa su’aal ka keenay sida 31-jirka Casemiro uu ugu biiray United 60 milyan euro qandaraas afar sano ah 2022.

“Waxa heshiiskiisa uga dhiman 3 sano laakiin waxa ay durba u muuqataa in uu dhaafay wakhtigiisii fiicnaa”ayuu yidhi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here