Xidhiidhka Garsoorayaasha Premier League Oo Qirtay Khalad Dhacay Kulankii Arsenal Iyo Man City.

0
61

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Madaxa xidhiidhka garsoorayaasha premier League ee Howard Webb ayaa sheegay in Mateo Kovacic uu nasiib u yeeshay inuu ku sii jiro garoonka intii lagu jiray kulankii Axadii dhexmaray Manchester City iyo Arsenal.

“Sida iska cad waa khalad cad, waxa aan ku kalsoonahay in ay ahayd in uu garsooraha ciyaartu bixiyo kaadh cas oo toos ah”ayuu yidhi.

“Laakiin xitaa kaadh digniin ah ma bixin, waxan filayaa in uu dhaw farqi jiro, Kovacic waxa uu halka dambe kaga yimid lugta midig ee Rice”.

“Waxa jira culays ayaa ku dhacay lugta Bidix waxa ay la mid tahay khaladkii uu Malo Gusto uu ku galay xiddiga Aston Villa ee Lucas Digne”.

Markii la waydiiyay in Kovacic uu nasiib ku lahaa in uu ciyaarta sii joogo ayuu yidhi”Sida iska cad VAR ma soo dhex gasho kaadhka 2-aad ee digniinta laakiin nasiib ayuu lahaa in aan ciyaarta laga saarin”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here