Shaxda Ugu Fiican Todobaadka Premier League Oo La Soo Saaray.

0
96

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Waxa la soo afjaray kulamo xiiso leh oo premier League ay iyada oo ay kooxo badan wacdaro dhigeen.

Kooxaha Man United, Arsenal iyo chelsea ayaa dhamaantood guulo muhiim oo horyaalka premier League ah.

Dhinaca kale kooxda Man City ayaa la kulantay guuldaradii 2-aad oo xidhiidh ah horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Liverpool ayaa dhinaceeda dhibco ku lumisay kulan ay la ciyaartay kooxda Brighton.Kadib kulamada todobaadka waxa la soo bandhigay shaxda ugu fiican todobaadka premier League.

Kooxda Tottenham ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 3 xiddig halka ay Arsenal shaxda ku leedahay 2 xiddig.

Kooxaha Man United, Liverpool, Chelsea, Everton, Newcastle iyo Fulham ayaa shaxda ku leh min hal xiddig.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here