Real Madrid Oo Napoli Ku Garaacday Qumbulad Uu Tuuray Fede Valverde Kulan Si Adag Loogu Dagaallamay

0
95

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa guul dahabi ah kasoo gaadhay Napoli oo ay ku booqatay waddanka Talyaania, waxaanay kusoo garaacday 3-2 kulanka labaad ee wareegga group-yada Champions League.

Vinicius Junior iyo Jude Bellingham ayaa Real Madrid u horseeday guushan oo ka caawisay in ay hoggaanka u qabtaan hormadooda, halka Napoli oo hoygeeda joogtay ay guul-darro la seexanayso.

Napoli ayaa si xooggan ku bilaabatay ciyaarta, waxaanay isku dayday inay goola;l kaga naxsato Real Madrid ka hor inta aanay ciyaartoydeedu kululaanin, waxaana bilowgiiba goolka tijaabiyey Victor Osimhem iyo Zielinski ka hor intii aanu Jude Bellingham ugu jawaabin darbad xooggan oo uu goolhayuhu soo celiyey, isla markaana Rodrygo dib ugu ganay oo uu waxyar la seegay goolka.

Daqiiqaddii 18aad ayay Napoli hoggaanka u qabatay ciyaarta, waxaana koorne uu soo laaday Kvaratskhelia madax awood badan ku qabtay Natan oo dhaafiyey Kepa, waxaana kubaddu ay u tagtay Ositgard oo shabaqa ku celiyey, sidaasna hoggaanka ugu dhiibay kooxdiisa.

Real Madrid ayaa u muuqatay in ay dardar iyo firfircooni ka qaadday goolka laga dhaliyey, balse waxay ku dhibbanaayeen sidii ay u joojin lahaayeen Osimhem oo bootin dheer iyo xoog isticmaalayay.

Vinicius Junior ayaa ciyaarta barbarro ka dhigay daqiiqaddii 27aad, isaga oo goolka hortiisa uu kubbad hadiyad ah u dhigay Jude Bellingham, taas oo uu dhinaca midig ka dhigay goolhayaha Napoli oo dhinaca kale isku tuuray.

Toddoba daqiiqadood kaddib ayay Real Madrid la timid gool labaad oo qurux badnaa oo uu u dhaliyey Jude Bellingham oo kubadda kasoo qaatay badhtamaha garoonka, isla markaana lasoo dhaafay dersin difaacyo ah ka hor intii aanu darbad xooggan oo xoogo ah dhinaca midig ee goolka ku tooganin, sidaas ayaanay ciyaartu ku noqotay 2-1 oo ay labada kooxood ku kala nasteen.

Markii lagu soo noqday qaybta labaad ayaa waxa tamar badan lasoo gashay Napoli oo garab ka helaysay taageereyaasheeda iyo garoonkeeda, waxaanay qabsadeen khadka dhexe, iyadoo Kvaratskhelia iyo Osimhem ay si fudud ku dilayeen difaaca Los Blancos.

Rikoodhe uu muran ku jiro oo laga soo hubiyey VAR ayaa loo dhigay Napoli daqiiqaddii 52aad, gaar oo garsoore Turpin uu isagu ku adkaystay in ay kubaddu koorne tahay, balse VAR ay beddeshay go’aankiisa oo ay ku qancisay in ay kubaddu gacanta kaga dhacday Nacho.

Zielinski ayaa gool u beddelay rikoodhaha inkasta oo uu goolhaye Kepa raacay oo ay waxyar kaga baxsatay, waxaanay kubaddu kusoo dhacday birta ka hor intii aanay u noqonin dhinaca goolka.

Carlo Ancelotti ayaa soo geliyey Luka Modric iyo Ferland Mendy si uu u firfircoonaysiiyo kooxdiisa, taasina waxay noqotay mid uu ku faa’iiday oo sababtay inay dib ula soo noqdaan kubadda.

Fede Valverde ayaa go’aamiyey natiijada ciyaarta, waxaana darbad xooggan oo uu ka tuuray bannaanka uu ku gilgilay birta, waxaana kubadda oo dib usoo noqotay ay dhabarka kaga dhacday goolhaye Meter oo dib ugu celiyey shabaqiisa, sidaas ayaanay Real Madrid ciyaarta kaga dhigtay 3-2.

Napoli ayaa si adag u dagaallantay dhamaadkii ciyaarta oo ay isku dayday inay goolka barbarraha keenaan, hase yeeshee waxa halgamay difaaca Real Madrid oo natiijada ku celiyey 3-2.

Real Madrid ayaa hoggaanka u haysa Group C ee tartanka Champions League, waxaanay haysataa lix dhibcood oo ay ka urursadeen labadii kulan ee ugu horreeyey, halka Napoli oo saddex dhibcood haysataa ay labaad ku jirto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here