Mikel Arteta Oo Ka Warbixiyay Xaalada Saka Iyo Partey Ka Hor Kulanka Champions League.

0
74

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Tababaraha Arsenal Mikel Arteta ayaa ka warbixiyay xaalada dhaawac ee Bukayo Saka & Thomas Partey ka hor kulanka champions League ay la ciyaari doonaan kooxda RC Lens.

Labada xiddig ayaa la dhibaatoonayay dhaawacyo iyada oo Saka ku dhaawacmay kulankii Tottenham isla markaas seegay labadii kulan ee ugu dambeeyay.

Arteta ayaa sheegay in uu Saka soo gaadhay dhaawac yar laakiin uu diyaar u yahay in uu ciyaaro kulanka champions League.

Arteta oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Saka wuu fiicanyahay”.

“aad ayuu uga fiicanyahay sidii hore, waxa soo gaadhay dhaawac yar si fiican ayuu tababarka u qaatay”.

Dhinaca kale Partey ayaa seegay 6-dii kulan ee ugu dmabaysay ee tartamada oo dhan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here