Juventus OO Shaacisay In Ay Chelsea Ku Dhawaatay Saxiixa Dusan Vlahovic

0
122

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)ciyaaraha kooxda Juventus ee Cristiano Giuntioli ayaa xaqiijiyay in kooxda chelsea ay dalab ka gudbisay weeraryahan Dusan Vlahovic xagaagii.

Kooxda ka dhisan Galbeedka London ayaa xagaagii xoojisay safkeeda hore iyadoo uu kusoo biiray Nicolas Jackson oo ka yimid Villarreal.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa la fahamsan yahay inay raadinayaan weeraryahan kale oo dhexe si ay ugu xoojiyaan weerarka Mauricio Pochettino.

Vlahovic ayaa ka mid ahaa magacyadii lala xiriirinayay u dhaqaaqista Stamford Bridge intii lagu jiray suuqa kala iibsiga xagaaga.

Agaasimaha ciyaaraha ee Juventus ayaa haatan xaqiijiyay in Chelsea ay miiska u saartay dalabka laakiin ugu danbayn way ku fashilantay in ay bixiso qiimaha xiddiga.

Isagoo ka hadlayay wareysi uu siiyay La Repubblica, Giuntoli ayaa yiri: “Waxaa jiray dalab ka yimid Chelsea oo ku saabsan Vlahovic, maan doonayn in aan iska iibino Dusan, laakiin waxa jiray qiimo aan ogolaan lahayn, chelsea marna ma gaadhin qiimahaas”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here