Paul Merson Oo Saadaalin Naxdin Ah Ka Sameeyay Kooxda Chelsea.

0
85

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Halyeeyga Paul Merson ayaa saadaalin naxdin leh ka sameeyay xilli ciyaareedka kooxda Chelsea xilli ciyaareedkan.

Paul Merson ayaa saadaaliyay in ayna chelsea badin doonin 10-ka kulan ee soo socda kadib xilli ciyaareedka liita ee ay ku bilowdeen.

Chelsea ayaa ciyaari doonta kulan muhiim ah oo ay la ciyaari doonto Brighton ka hor inta ayna la ciyaarin kooxaha fulham iyo Burnley Premier League.

Intaas kadib chelsea ayaa la ciyaari doonta kooxaha Arsenal, Brentford, Tottenham, Manchester City, Newcastle, Brighton & Manchester United.

“Haddii aad eegto kulamada Chelsea, waad ka walwalaysaa iyaga,” Merson ayaa u sheegay Sky Sports.

“10-ka kulan ee soo socda aad ayey muhiim ugu yihiin xilli ciyaareedkooda soo socda”.

Waa Kulamo aad saadaalin kartid in ay badin karaan wax kulamo ah”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here