Marcus Rashford Oo Shil Baabuur Galay.

0
98

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Xiddiga Man United ee Marcus Rashford ayaa galay shil baabuur xilli uu ku sii socday Gurigiisa kadib guushii ay ka gaadheen Burnley.

Xiddiga reer England ayaa ka tagay garoonka tababarka Man United kadib markii ay baskii kooxdu ka soo laabtay Turf Moor.

Muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya baabuurka Rashford oo bur-bursan.

Wargayska The Sun ayaa sheegaya in uu Rashford naxsan yahay laakiin uuna wax dhib ah qabin.

Xiddiga Bruno Fernandes ayaa sidoo kale si deg-deg ah ugu orday arinta dhacdada si uu u caawiyo saaxiibkiis.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here