Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubbaland Mudane Axmed Xasan Cumar ayaa maanta degmada Doolow ku daahfuray deeq gargaar oo loogu talagalay dadka abaaruhu saameeyeen ee ku nool gobolka Gedo.
Deeqdaan oo laga qeybin doono inta badan degmooyinka Gobolka ayaa waxey kamid tahay dadaalada ay dowladda Jubbaland ka wado gobolka Gedo iyo mashaariicda isdaba jooga ah ee hay’adaha dowladda ay kabilaabeen gobolka, Deeqda maanta la qeebiyay ayaa waxaa siwada jir ah isaga kaashaday wasaaradda Gargaarka Jubbaland iyo Hay’adda Maareynta Musiibooyinka qaranka
ee SoDMA.
Warkung Waliba nig haayte Rahma Salaad Abdyllahi