Xaaladda Libya oo aad looga deyrinayo

0
104

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Dhaqtar ka yimid magaalada Benghazi ee bariga Liibiya ayaa gaaray magaalada Derna si qeyb qaato howlaha gargaarka dadka ay duufaanta saameysay, waxaana uu sheegay in isaga iyo asxaabtiisa ay aad uga xumaadeen waxa ay la kulmeen.

“Waxaan aragnaa meydad tiro badan oo aagga oo dhan daadsan. Waa masiibo gebi ahaanba. Waan naxay, runtii,” Dr Anas ayaa sidaas u sheegay barnaamijka maanta ee BBC.

Dadka ku nool magaalada dekedda ah ayaa aad u argagaxsan oo way kari waayeen inay ooyaan, ayuu yiri.

Meydad badan ayaa la soo dhigay waddooyinka si ehelada ay u gartaan, ka hor inta aan lagu aasin qabuuro ay qodeen baaburta dhulka lagu qodo.

Dhakhaatiirtan ayaa sheegay in dhammaan goobihii la waayay, dhismayaal ay badda galeen, kuwa kalena ay hadda dhoobo hoostooda ku aasan yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here