Cidda Ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga Abaalmarinta Ballon d’Or-ka Oo La Soo Saaray

0
66

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Kadib markii lagu dhawaaqay Liiska xiddigaha u tartamaya abaalmarinta Ballon d’Or-ka waxa la saadaalinayaa xiddigaha ugu cad-cad ku guulaysiga abaalmarinta.

Iyada oo abaalmarinta la shaacin doono wakhti dambe oo sanadkan ah saadaaliyayaasha ayaa bilaabay in ay saadaaliyaan cida ku guulaysan doonta.

Lionel Messi ayaa si aad ah ugu cad-cad in uu markii 8-aad ee xirfadiisa ku guulaysto abaalmarinta isaga oo 1/6 fursad u haysta in uu ku guulaysto abaalmarinta.

Waxa ku xiga xiddiga Kooxda PSG ee Kylian Mbappe oo dhinaciisa haysta fursad xoogan oo uu ku tartami karo kadib markii uu saddexley ka dhaliyay final-kii koobkii adduunka.

Si la mid ah Messi, waxa uu qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay kooxda PSG isaga oo sidoo kale dhaliyay saddexley final-kii champions League waxana uu 66/1 u haystaa fursad uu gu guulaysto abaalmarinta.

Xiddiga Erling Haaland ayaa ku riyaaqay xilli ciyaareedkiisii ​​​​ugu horreeyay ee Premier League, dhanka kale, wuxuuna u tartami doonaa abaalmarinta kadib markii uu dhaliyay 52 gool sidoo kale saddex koob kula guulaystay Man City.

Xiddiga reer Norway ayaa ah xiddiga 2-aad ee ugu cad-cad ku guulaysiga abaalmarinta waxana uu fursad haystaa 7/2 ku guulaysiga abaalmarinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here