Fransiiska oo aan lagu darin dalalka caawinaya Marooko

0
102

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Wasiirka arrimaha dibadda ee Faransiiska ayaa ku adkaystay inay u taallo Morocco inay weydiisato gargaarsi ay uga caawiyaan inay la tacaasho dhulgariirkii ba’naa ee halkaas ka dhacay.

Catherine Colonna waxay ka jawaabaysay su’aalaha ku saabsan sababta Faransiiska oo ah awooddii hore ee gumeysatay maroko – aan loogu darin dalalka loogu baaqay inay caawiyaan.

Paris iyo Rabat waxaa la haayeen xiriir adag sanadihii ugu dambeeyay. In kasta oo mas’uuliyiinta Faransiisku ay marar badan dafireen inuu jiro khilaaf, haddana jagada safiirka Morocco ee Paris ayaa bannaanayd muddo bilo ah, waxaana dhowr jeer dib loo dhigay booqashadii Rabat ee madaxweyne Emmanuel Macron.

Axaddii madaxa samatabbixinta Faransiiska ee hayadda Secouristes sans Frontieres, ayaa sheegay in mas’uuliyiinta Morocco ay ka hortagayeen in kooxaha ururkiisa ay soo galaan dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here