Hordhac: Man City Vs Fulham

0
160

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Kooxda Man City ayaa marti galinaysa kooxda Fulham kulan ka tirsan premier League.

Man City ayaa doonaysa in ay badiso kulankeedii 4-aad oo xidhiid ah siina wataan qaab ciyaareedkooda fiican.

Dhinaca kale fulham oo aan dhinaceeda wacdaro yar dhigayn ayaa doonaysa in ay joojiso kooxda Man City.

Kulanka: Man City Vs Fulham

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 5:00

Garoonka: Etihad Stadium

Xaqiiqooyinka Kulanka:

Guul ay gaarto Manchester City ayaa ka dhigi doonta inay xirto rikoorka guulaha xiriirka ah ee kubada cagta Ingariiska oo ay ka gaarto koox ka soo horjeeda (15), oo ay haatan bar-baro ku yihiin Watford.

Fulham ayaan wax guul ah gaarin 20 kulan oo ay la ciyaartay City tan iyo markii ay 3-1 kaga badiyeen Etihad Stadium bishii April 2009.

Kooxda Cottagers ayaa dhalisay kaliya labo gool sagaalkii kulan ee ugu dambeysay oo ay City kula ciyaartay garoonka Etihad, waxaana laga dhaliyay 27 gool.

City ayaa shabaqa soo taabatay 30-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay la ciyaartay Fulham tartamada oo dhan tan ilaa bar-barihii 0/0 ahayd ee ay la gashay Sanadkii 2004.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here