Saxiixyada Laga Yaabo In Ay Dhacaan Saacadaha Ka Dhiman Suuqa Xagaaga.

0
114

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Waxa ay maalmo aad u yar Inaga xigaan xidhitaanka suuqa kala iibsiga xagaaga.

Kooxaha Premier League aya wakhtiga tartan kula jira si ay u dhamaystiraan saxiixyadan ay doonayaan.

Hadaba warbixintan waxan ku soo bandhigi donaa saxiixyada laga yaabo in ay dhacaan ka hor xidhitaanka suuqa.

Matheus Nunes -> Man City:

Kooxda Man City ayaa todobaadyadii ugu dameeya suuqa ugu jirtay xiddig khadka dhexe ah iyada oo Kooxdu k fashilantay saxiixa xiddiga kooxda west Ham ee lucas paqueta.

Laakiin haatan waxa ay doonaysaa saxiixa xiddiga kooxda Wolves kaas oo dhinaciisa heshiiska shaqsiga ah la gaadhay kooxda Man City.

Marc Cucurella -> Man Utd:

Ugaadhsiga Manchester United ee garabka bidix ee daafaca ayay ku jiraan xiddigo badan oo ay ka mid yihiin Marc Cucurella, Rico Henry, Sergio Reguilon iyo Marcos Alonso.

Man United ayaa amaah ku doonaysa xiddiga Cucurella Waxana ay kooxda Man Unied aad ugu dhawdahay in ay chelsea kala heshiiso saxiixa xiddiga.

Harry Maguire -> West Ham:

Mar kale waxa bur-buray dadaaladii ay West Ham ay ku doonaysay saxiixa daafaca dhexe iyada oo West Ham doonayso saxiixa daafaca dhexe.

West Ham ayaa la filayaa in ay mar kale isku daydo saxiixa xiddiga ka hor inta uuna xidhmin suuqa kala iibsiga xagaaga maalinta jimcaha.

Emile Smith Rowe -> Chelsea:

Taageerayaasha ayaa aad ula yaabay markii ay maqleen in Emile Smith Rowe xiiso ka helayo kooxda chelsea.

Mauricio Pochettino ayaa doonaya xiddig weerar ah waxana uu doonaya xiddiga ka baxay qorshaha Mikel Arteta.

Ryan Gravenberch -> Man Utd:

Xiddiga Ryan Gravenberch ayaa muddo lala xidhiidhinayay kooxda Man United iyada oo Ten Hag doonayo xiddig khadka dhexe ah.

Dhaawaca Mason Mount ayaana haatan dar-dar galinaya xiisaha ay u qabaan xiddiga khadka dhexe ee kooxda Bayern Munich ee Ryan Gravenberch.

Joao Felix -> Liverpool:

Kooxda Liverpool ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa xiddiga Atletico Madrid ee Joao Felix kaas oo ay u aragto badalka Salah.

Wararka ayaa sheegaya in ay xitaa heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga reer Portugal xilli ay isku diyaarinayso bixitaanka Mohamed Salah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here