Mohamed Salah Oo Ciyaaraya Kulankiisii Ugu Dambeeyay.

0
135

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Xiddiga Mohamed Salah ayaa u muuqda mid ku sii dhawaanaya ku biirista kooxda Al-Ittihad sida ay sheegayaan wararku.

Salah ayaa si weyn loola xidhiidhinayay kooxda sucuudiga ka ciyaarta ee Al-Ittihad kuwaas oo doonaya saxiixiisa.

Sida laga soo xigtay shabakada Riyadiyatv, Mohamed Salah ayaa kulanka Newcastle ciyaari doona kulankiisii ugu dambeeyay ee kooxda Liverpool.

Isla shabakada ayaa sheegaysa in uu Salah ciyaarta kadib u duuli doono Dubai si uu tijaabada caafimaadka ugu maro kooxda Al-Ittihad.

Kooxda Al-Ittihad ayaa diyaarinaysa dalab 60 milyan ah si ay ula wareegto xiddiga iyaga oo sidoo kale heshiis 3 sano ah u soo bandhigay Salah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here