Liverpool Oo Wadahadalo Horumar Leh Kula Jirta Bayern Munich & Xiddiga Ay Ka Doonayso Oo La Ogaaday.

0
82

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay wadahadalo fiican la yeelatay xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Bayern Munich ee Ryan Gravenberch.

Reds ayaa xoojinta khadka dhexe ka dhigtay muhiimadeeda suuqa kala iibsiga xagaaga kadib markii ay lumisay Fabinho, Jordan Henderson, Naby Keita, James Milner iyo Alex Oxlade-Chamberlain.

Liverpool ayaa haatan la soo saxiixatay xiddigaha Dominik Szoboszlai, Alexis Mac Allister Iyo Wataru Endo kuwaas oo ay ku xoojisay kooxda.

Laakiin Liverpool ayaa wali doonaysa xiddigo kale oo khadka dhexe ah waxana ay suuqa ugu jirtaa sidii ay ula soo saxiixan lahayd ugu yaraan hal xiddig oo kale.

Sida laga soo xigtay Daily Mail, Liverpool ayaa wadahadalo horumar leh la qaadatay Bayern Munich si ay ula saxiixato xiddiga 21 jirka ah.

Gravenberch, oo Bayern kaga soo biiray Ajax xagaagii hore, ayaa u furan inuu ka tago kooxda heysata horyaalka Jarmalka ka dib markii uu ku dhibtooday inuu boos ka helo kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here