Man City Oo Ku Guulaystay UEFA Super Cup, Sevilla Ayay Garaaceen.

0
75

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Kooxda Man City ayaa ku guulaystay koobka UEFA Super Cup kadib markii ay rikoodhayaal ku garaaceen kooxda Sevilla.

Kulan xiiso leh ayaa dhexmaray kooxaha Man City iyo Sevilla kana tirsanaa Final-ka UEFA Super Cup kaas oo ka dhacay garoonka Karaiskakis Football Stadium.

Kooxda Man City ayaa sidii caadada ahayd maamulaysay ciyaarta laakiin waxa ay si weyn u tabtay De Bruyne oo dhaawac uga maqnaa kulanka.

Sevilla ayaa dhinaceeda qaadaysay weeraro rogaal celis ah oo ay doonaysay in ay goolal kaga dhaliso Man City.

Daqiiqadii 25-aad ayay Sevilla dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Youssef En-Nesyri kaas oo gool madax ah u dhaliyay kooxdiisa.

Man City ayaa wax walba u samaysay sidii ay u dhalin lahayd goolka bar-baraha xilli ay Sevilla qaadaysay weeraro aan kala joogsi lahayn.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay City ahayd kooxda fiican laakiin Sevilla hogaaminaysay ciyaarta.

Qaybta dambe ayay Man City sii waday cadaadiska ay ku hayso Sevilla iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolka bar-barhaa.

Daqiiqadii 63-aad ayay Man City dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Cole Palmer kaas oo ciyaarta ku soo celiyay kooxdiisa.

Labada kooxood ayaa sii waday raadinta goolal kale laakiin koox walba waxa ay ku jirtay daafac adag oo ay doonayso in ay shabaqeeda ku adkaysato.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta 90-keedii daqiiqo iyada oo labada kooxood isla aadeen rikoodhayaal si ay ugu kala baxaan ciyaarta.

Kooxda Man City ayaa markii ugu horaysay taariikhdooda ku guulaystay koobka UEFA Super Cup-k kadib markii ay rikoodhayaal 4/5 ah kaga badiyeen kooxda Sevilla.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here