Chelsea Oo Dalab Rasmi Ah Ka Gudbisay Saxiixa Romeo Lavia, Liverpool Ayay Ku Garaacaysaa.

0
90

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ayaa lagu soo waramayaa in ay dalab Rasmi ah ka gudbisay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Southampton ee Romeo Lavia sida ay sheegayaan wararku.

Kooxda u dhaadhacday championship-ka ayaa dalbanaysa 50 milyan oo euro waxana ay Liverpool ka diiday 3 dalab oo uu midkii ugu dambeeyay ahaa 46 milyan oo euro.

Southampton oo James Word-Prowse ka iibisay West Ham ayaa sidoo kale filaysa in ay Man United ku soo biirto tartanka xiddiga.

Sidoo kale koox kale oo ka baxsan England ayaa xiiso u qabta saxiixa xiddiga 19 jirka ah ee reer Belguim.

Southampton ayaa ku kalsoon in ay heli doonaan lacagta ay ku qiimeeyaan xiddiga iyaga oo aaminsan in ay Man City bixin karto 45 milyan oo lagu bur-burin karo heshiiskiisa xagaaga dambe.

Chelsea oo ku dhibaatootay saxiixa xiddiga kooxda Brighton ee Moises Caicedo ayaa sidoo kale la filaya in ay 20 milyan kula wareegto xidiga kooxda Leeds ee Tyler Adams.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here