Brentford Oo Ka Jawaabtay Dalabkii Arsenal Ka Gudbisay David Raya.

0
97

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay diiday dalabkii furitaanka ahaa ee ay Arsenal ka gudbisay saxiixa Goolhayaha David Raya.

Arsenal ayaa Raya ka dhigatay bartilmaameed lama filaan ah si ay ugu xoojiyaan kooxda ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.

Arsenal ayaa wakhti hore heshiiska shaqsiga ah la gaadhay Goolhayaha kaas oo ogolaaday in uu ku biiro kooxda ku ciyaarta Emirates.

Arsenal ayaa dalab Rasmi ah ka gudbisay saxiixa Goolhayaha kaas oo dhamaa 20 milyan oo euro iyo 2 milyan oo guno ah.

Laakiin Brentford ayaa isla markiiba diiday dalabka Arsenal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here