Klopp Oo Ka Warbixiyay Xaalada Dhaawac Ee Alexis Mac Allister

0
161

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka warbixiyay xaalada xiddiga khadka dhexe ee  Alexis Mac Allister kaas oo dhaawac uga baxay kulankii Bayern Munich.

Alexis Mac Allister ayaa dhaawacmay daqiiqadihii ugu dambeeyay ee dambeeyay ee kulankii ay Liverpool la ciyaartay Bayern Munich.

Ciyaarta kadib ayaa Klopp wax laga waydiiyay xaalada xiddiga khadka dhexe ee Alexis Mac Allister kaas oo aan ku soo laaban qaybtii dambe ee ciyaarta.

“Haa, Jilibkiisa ayuu ku dhuftay jilib xiddig kale, laakiin wuu sii ciyaari karay”ayuu klopp yidhi.

“Markii hore waxa aan helay fariin ah in uu xanuun dareemay waxana aan go’aansnay inaanu badalno”.

“Markii aan la hadlay waxa uu sheegay in uu sii ciyaari karay laakiin maanu doonayn in aanu wax halis ah galino”ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here