Wasaarada Cadaalada Oo Wax ka qabaneysa Cabasho ka timid Maxaabiista ku Xiran Xabsiga Dhexe.

0
187

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, Xasan Macalin ayaa kormeer ku tagay Xabsiga Dhexe, Booqashada ayaa waxaa Wasiirka ku weheliyay Xeer ilaaliyaha qaranka, taliyaha Ciidanka Asluubta iyo sarakiil kale, waxuuna ujeedkiisu ahaa in la hubiyo xaalada maxabiista kala duwan ee ku jira Xabsiga Dhexe.
Wasiirka, ayaa sheegay in booqashada ay ku tageen Xabsiga Dhexe, isaga wafdi la socday ay ugu gol leeyahiin sidii ay ugu kuur gali lahayeen xaaladda guud ee maxaabiista ku jira xabsiga dhexe, iyo sidii ay u hubin lahayeen xukunada Maxabiista halkaas ku xeran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here