Arsenal Oo Xasuuqday Barcelona Guulna Ku Soo Xidhatay Isku Diyaarinta Xilli Ciyaareedka Ee Maraykanka.

0
90

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Kooxda Arsenal ayaa xasuuq daran kula kacday kooxda Barcelona kulan ay labada kooxood isugu diyaarinayeen xilli ciyaareedka cusub ee horyaaladooda.

Labada tababare Xavi iyo Arteta ayaa kulanka ku soo galay shaxdooda ugu adag iyada oo mid walba doonayay in uu tijaabiyo midka kale.

Barcelona ayaa ahayd kooxda maamulaysa ciyaarta xilli ay Arsenal ciyaaraysya kubado orod ah maadama ayna kubad haysasho ku gaadhin Barcelona.

Xiddiga Robert Lewandowski ayaa dhaliyay gool wakhti hore ah kadib markii uu daqiiqadii 7-aadba hogaanka u dhiibay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 1/0.

Laakiin Arsenal ayayna wakhti dheer ku qaadan in ay ciyaarta ku soo laabato kadib markii ay daqiiqadii 13-aadba ku soo laabatay ciyaarta iyaga oo uu Bukayo Saka ka dhigay 1/0.

Waxa mar kale hogaanka ciyaarta u qabtay Barcelona kadib markii uu Raphinha dhaliyay goolka 2-aad ee ciyaarta kana dhigay 2/1 ay Barcelona ku hogaaminayso.

Xiddiga Kai Havertz ayaa mar kale kooxdiisa ku soo celiyay ciyaarta kadib markii uu daqiqiadii 43-aad dhaliyay goolka 2-aad ee kooxdiisa kana dhigay 2/2.

Qaybta dambe ayay Arsenal ahayd kooxda awooda badan dhinaca fursadaha iyaga oo dhinac walba uga fiicnaa Barcelona oo kaliya ku fiicnayd dhinaca kubad haysashada.

Daqiiqadii 55-aad ayay Arsenal hogaanka u qabatay ciyaarta waxana gool u dhaliyay xiddiga Leonardo Trossard kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/2 ay Arsenal ku hogaaminayso.

Isla xiddiga Trossard ayaa soo laabtay daqiiqadii 78-aad waxana uu dhaliyay goolkiisii 2-aad ee ciyaarta iyo goolkii 4-aad ee kooxdiisa isaga oo ciyaarta ka dhigay 4/2.

Barcelona ayaa daqiiqadii 88-aad dhalisay goolka 3-aad ee ciyaarta waxana rajo ay ciyaarta ugu soo laaban karto siiyay xiddiga Ferran Torres oo dhaliyay goolka 3-aad isaga oo ciyaarta ka dhigay 3/4.

Laakiin Fabio Vieira ayaa daqiiqad kadib dilay rajada Barceloa waxana uu dhaliyay goolkii 5-aad ee kooxdiisa waxana uu ciyaarta ka dhigay 5/3 ay Arsenal ku guulaystay kulanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here