- Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)7War cusub ayaa kasoo kordhay mustaqbalka xiddiga reer France ee Kylian Mbappe oo la sheegay in kooxdiisa PSG ay ogolaatay inay ka iibiso Al-Hilal oo dalab €300 milyan oo Euro ah kasoo gudbisay, halka ciyaartoyganna ay usoo bandhigtay dalab uu sannadkii ku helayo lacag dhan €700 milyan oo Euro.
- Kylian Mbappe ayaa la sheegay in uu go’aan ka gaadhay dalabka Al-Hilal ee lacagta waallida ah uu ku helayo, waxaana uu si cad ugu sheegay kooxda reer Sucuudi Carabiya in aanu tegaynin waqtigan Bariga dhexe.
- Sida ay sheegtay warbaahinta waddanka Spain Kylian Mbappe ayaa waxa uu sheegay in kaliya uu tegayo isla markaana uu doonayo inuu u ciyaaro ay tahay Real Madrid oo ah riyadiisii carruurnimada, taas oo meesha ka saaraysa damaca kooxda horyaalka Sucuudiga ee Al-Hilal oo horena ugu hungowday Lionel Messi oo ay si weyn u doonaysay.
- Wargeyska Relevo ee kasoo baxa waddanka Spain oo soo xiganayay qof ka agdhow Mbappe, ayaa waxa uu sheegay in dalabka waqtigan ee kooxda Al-Hilal aanu ahayn mid ku habboon oo uu doonayo inuu sii joogo Yurub, si uu u gaadho hammigiisa ah inuu ku guuleysto abaal-marinta xiddiga adduunka ee Ballon d’Or.
- Warkan ayaa waxa uu niyad-jab ku yahay PSG oo haddii uu ku adkaysto laacibkani arrintaas waayi doonta €300 milyan oo Euro, waxayna ku qasbanaan doonaan inay ka iibiyaan Real Madrid oo aan diyaar u ahayn inay xiddigan ka bixiso lacag intaas le’eg.