Real Madrid Oo Guul Soo Laabasho Leh Ka Gaadhay Ac Milan.

0
88

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Kooxda Real Madrid ayaa guul soo laabasho leh ka gaadhay Ac Milan kulan ka tirsan isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ee labada kooxood.

Ancelotti ayaa shaxdiisa ku bilaabay 3 xiddig oo kooxdiisa ku cusub isaga oo is badal ku shameeyay shaxdiisa uu ku ciyaaro.

Xiddigaha Bellingham, Diaz iyo Joselu ayaa hogaaminayay weerarka kooxda Real Madrid.

Dhinaca Ac Milan waxa shaxdeeda ku bilowday xiddigaha chelsea kaga soo biiray ee Loftus Cheek iyo Cristiano Pulisic kuwaas oo kooxda ku soo biiray kooxda xagaagan.

Ac Milan ayaa daqiiqadii 25-aad dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Fikiyo Tomori kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Milan ayaa sii waday baacsiga natiijoooyinka waxana daqiiqadii 42-aad gool u dhaliyay xiddiga Luka Romero kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Waxa sidaas ku dhamataay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Ac Milan ku gacan sarayso.

Qaybta dambe ayay Real Madrid wacdaro la soo baxday iyaga oo doonayay in ay ku soo laabtaan natiijaada ciyaarta.

Daqiiqadii 57-aad ayay Real Madrid dhalisay goolka 1-ad waxana u dhaliyay xiddiga Federico Valverde kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0 halka uu xiddigu daqiiqadii 59-aad ku soo laabtay goolka kana dhigay ciyaarta 2/2.

Xiddiga Vini Jr ayaa daqiiqadii 84-aad dhaliyay goolka 3-aad ee ciyaarta isaga oo kooxdiisa ku hogaamiyay guul soo laabasho leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here