Joao Felix Oo Magacaabay Kooxda Uu Doonayo In Uu Ku Biiro Xagaagan.

0
72

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Weeraryahanka Atletico Madrid Joao Felix ayaa doonaya inuu u saxiixo Barcelona xagaagan, sida laga soo xigtay khabiirka suuqa kala iibsiga ee Fabrizio Romano.

Felix ayaa rajeynayay inuu sii joogo Chelsea ka dib amaahdii uu ku joogay Stamford Bridge xilli ciyaareedkii hore, laakiin ka dib markii uu ku dhibtooday inuu saameyn ku yeesho, kooxda Premier League ayaa dooratay inaysan heshiis joogto ah kula wareegin xiddiga.

Xiddiga reer Portugal ayaa ku laabtay Atletico Madrid laakiin waxa la filayaa in uu qaab toos ah uga tago inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.

Manchester United, Newcastle iyo Aston Villa ayaa dhamaantood lala xidhiidhinayaa xiddiga garabka weerarka ka ciyaara laakiin xiddiga 23 jirka ah ayaa doonaya ku biirista Barcelona.

“Waxaan rabaa inaan aado Barcelona”ayuu Felix yidhi.

“Barcelona waa koox weyn waxana ay tahay riyadayda tan ilaa yaraantaydii waana dookhayga 1-aad ee suuqa xagaaga”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here