Paulo Dybala Oo Afka Furtay Kana Hadlay Wararka La Xidhiidhinaya Chelsea.

0
117

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Xiddiga kooxda Roma ee Paulo Dybala ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya in uu ku biirayo kooxda chelsea xagaagan waxana uu sheegay in uu sii joogayo kooxda ka dhisan Serie A-da.

Xiddiga reer Argentine ayaa lal xidhiidhinaya in uu u dhaqaaqayo kooxda chelsea todobaadyadii ugu dambeeyay iyada oo la sheegayo in heshiiskiisa lagu bur-burin karo 12 milayn.

Tababaraha chelsea ee Mauricio Pochettino ayaa si weyn taageere ugu ah xiddiga waxana uu isku dayay in uu la soo saxiixdo wakhtigii uu hogaaminayay kooxaha Tottenham iyo PSG.

Thiago Silva Ayaa dabka ku shiday wararka xiddiga la xidhiidhinaya chelsea markii uu sheegay in uu Dybala kala hadlay suurtagalnimada uu ugu biiri karo kooxda ku ciyaarta Stamford Bridge.

Xiddiga Dybala oo 29 jirka ah ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa England halkaas oo uu ku qaadanayay fasaxiisa ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.

Xiddiga ayaa Rome dib ugu laabtay fiidnimadii xalay waxana uu saxafi waraysi ku siiyay madaarka.

Dybala oo la hadlaya saxafiga ayaa yidhi”Anigu waxa ana ku dhiiranahay isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub kaas oo bilaaban doona Isniinta(Maanta), waan ku faraxsanahay Roma waanan sii joogi doonaa xilli ciyaareedkan”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here