Liverpool Oo Dalab Rasmi Ah Ka Gudbisay Saxiixiisa

0
86

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay weerar dhanka suuqa ah ku qaaday PSG iyaga oo dalab ka gudbiyay xiddiga Kylian Mbappe si ay saxiixiisa ugula tartamaan Real Madrid sida ay sheegayaan wararka ka imanay Spain.

Mustaqbalka Mbappe ee PSG ayuu shaki ku jiraa iyada oo uu diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda ka dhisan caasimada xilli heshiiskiisa haatan dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedka dambe.

Real Madrid ayaa ugu cadcad saxiixa weeraryahanka, laakiin sida laga soo xigtay El Chiringuito, Liverpool ayaa si xoogan ugu dhaqaaqeysa soo xero gelinta xiddiga ku guuleystay Koobka Adduunka.

“Liverpool waxay soo gashay tartanka iyaga oo dalab 200 milyan ah ka gudbiyay saxiixiisa saacadihii”ayuu yidhi El Chiringuito.

“Shalay, Al-Khelaifi waxa uu suuqa dhigay xiddiga ugu fiican kooxdiisa ee Mbappe”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here