David De Gea Oo Si Rasmi Ah Uga Tagay Man United.

0
84

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Dhammaadkii, macsalaamaynta David de Gea waxay ahayd mid aan la aqbali karin, qandaraaskiisa Old Trafford ayaa dhacay habeenkii Jimcaha.

Sida ay haatan wax yihiin kadib markii uu dhacay heshiiskiisa United, kooxda ayaa raadinaysa badalkiisa.

Mail Sport, ayaa rumaysan in ay lacagta ay United ugu tala gashay suuqa ayna u qaybsami doonin weeraryahan iyo Goolhaye heer sare ah sidaas darteed waxa ay raadin doonaan xalal kale.

La’aanta lacagta ayaa la macno in ay Man United u baahantahay in ay suuqa ka hesho Goolhaye lagu heli karo qiimo aad u jaban.

Hadaba wargayska MailSport ayaa soo saaray Liiska xiddigaha Goolhayayaasha ah ee ku jira Liiska Man United.

Andre Onana (Inter Milan):

Inter ayaa diiday dalabkoodii ugu horeeyay ee ay Man United ka gudbisay saxiixa Onana waxana ay ka sugaysaa Red Devils in ay bixiso qiimaha ay doonayaan oo ah 44 milyan oo euro.

Goolhayaha 27 jirka ah ayaa ah dookha 1-aad ee Erik Ten Hag maadama ay horay uga soo wada shaqeeyeen kooxda Ajax.

Diogo Costa (Porto):

United ayaa diidan in ay bixiso lacagta 65-ka milyan ee ay Porto ku iibinayso xiddiga mana lahan awood ay hoos ugu dhigto lacagtaas maadama heshiiskiisa lagu bur-burin karo lacagtaas.

Kevin Trapp (Eintracht Frankfurt)

Jacaylka ay United u qabto Trapp ayaan ahayn mid cusub maadama ay United xagaagii hore isku dayday in ay la soo saxiixato laakiin waxa uu ka doortay in uu si jooggo Kooxdiisa Bundesliga ka ciyaarta.

Justin Bijlow (Feyenoord)

David Raya (Brentford)

Djordje Petrovic (New England Revolution)

Dean Henderson (Manchester United).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here