Wiilka Mucamar al-Qadaafi oo xaalad halis ah ku jira

0
74

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Mid ka mid ah wiilasha hoggaamiyihii hore ee Libya, Mucamar al-Qadaafi, ayaa la sheegay in laga soo saaray xabsi ku yaalla dalka Lubnaan, halkaasoo uu cuntada ka soomay.

Waxaa haatan loo qaaday isbitaal, isagoo sida la sheegay ku sugan xaalad adag.

Hannibal Gaddafi ayaa in ka badan siddeed sano xabsi ku jiray.

Bishii la soo dhaafay ayuu cuntada ka soomay isagoo ka cabanayay muddada dheer ee uu xiran yahay iyadoo aan wax xukun ah lagu ridin.

Waxaa laga soo qabtay dalka Suuriya oo uu u cararay kadib markii aabbihiis la dilay sanadkii 2011.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here