Qorshaha Arsenal U Dajisay Saxiixa Kylian Mbappe Oo La Ogaaday.

0
137

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Arsenal ayaa ka fiirsanaysa in ay u dhaqaaqdo Kylian Mbappe sanadka 2024.

Wararka ayaa sheegaya in ay kooxda Premier League ka ciyaarta taageere weyn u tahay xiddiga kooxda PSG waxana ay ka fiirsanayaan in ay dalab u diraan wakiilkiisa.

Heshiiska Mbappe ee kooxda PSG ayaa dhici doona sanadka dambe taas oo la macno ah in ay PSG ku qasbantahay in ay iibiso xiddiga xagaagan ama ay xor ku waydo.

Wakhti xaadirkan waxa la rumaysanyahay in uu Mbappe ku wajahnyahay Real Madrid, PSG ayaa ku adkaysanaysa qiimaha ay ku iibinayso laakiin hadii uu qiimihiisu hoos u dhoco Real ayaa u dhaqaaqi karta.

Laakiin hadii ayna dhicin, waxa ay albaabka u furaysaa kooxda Arsenal kuwaas oo dhisaya koox uu Arteta hogaamin doono oo doonaysa in ay koobab u tartamaan.

Si kasta ha ahaatee Arsenal ayaa mar walba noqon doonta dookha 1-aad maadama ay Real Madrid tahay kooxda ugu cad-cad saxiixa xiddiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here