Chelsea Oo Ka Jawaabtay Dalabkii 3-aad Ee Ay Man United Ka Gudbisay Mason Mount.

0
113

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Kooxda chelsea ayaa sii wada is adkaynta ku aadan xiddiga khadka dhexe uga ciyaara ee Mason Mount iyaga oo dalabkii 3-aad ka diiday kooxda Man United.

Man United shalay dalab ka gudbisay Mount dalabkii 3-aad ee ay doonayeen in ay ku helaan saxiixa xiddiga si ay ugu xoojiyaan khadka dhexe xilli ciyaareedka dambe.

Dalabka Cusub ee Man United ayaa ahaa 55 milyan oo euro iyada oo kooxdu 50 milyan halka hore ka bixin doonto halka 5 milyan noqon doonto gunooyin.

Laakiin Blues ayaa isla markiiba diiday dalabka iyada oo u sheegtay United in ay kor u qaado dalabkooda hadii ay doonayaan saxiixa xiddiga.

Kooxda chelsea ayaa u sheegtay chelsea in ay bixiso lacag dhan 58 milyan oo euro iyo waliba 7 milyan oo Gunooyin ah hadii ay donayso saxiixa xiddiga khadka dhexe.

Mount ayaa wakhti horebe heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga waxana uu xiddigu doonayaa in uu ka ciyaaro Old Trafford xilli ciyaareedka dambe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here