Doon ay saarnaayeen dalxiisayaal oo maalintii saddexaad maqan

0
96

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Doontan oo ay la socdeen dad dalxiisayaal ah isla markaana milyaneerro ah ayaa lumisay xiriirkii ay la lahayd markabkii hoggaaminayay Axadii.

Ninka mas’uulka ka ah howlgalka samatabbixinta ee Waqooyiga Atlantic ayaa sheegay in ay si degdeg ah uga falceliyeen diyaaradaha ilaalada Canada oo qaadayay dhawaaqyo laga yaabo in ay ka yimaaddeen kuwa quusta ah ee maqan.

Waxa la rumaysan yahay in ay sahayda ogsijiinta ee ay isticmaalayeen ka hartay hal maalin oo kaliya.

Maraakiib badan oo wata qalab khaas ah ayaa u socda aagga raadinta, kuwaas oo ku fidsan kumanaan kiiloomitir oo isku wareeg ah iyo qoto dheer oo ku dhow afar-kun oo mitir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here