PSG Oo Diyaar U Ah In Ay Mbappe Ka Iibso Man United

0
91

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Kooxda PSG ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaar u tahay in ay Kylian Mbappe ka iibiso kooxda Man United inta lagu jiro suuqa kala iisiga xagaagan.

Laakiin koooxda reer France ayaa hal shardi ku xidhay kooxda Man United si ay uga iibiso xiddiga reer France suuqa xagaagan.

Mustaqbalka Mbappe ee kooxda PSG ayuu shaki ku jiraa kadib markii uu diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda.

Heshiiska Mbappe ee PSG ayaa dhici sanadka 2024 waxana uu diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda ka dhisan caasimada France.

Mbappe ayaa lala xidhiidhinayaa kooxo badan oo reer yurub ah kuwaas oo doonaya saxiixiisa inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Sida laga soo xigtay Mirror, Kooxda PSG ayaa diyaar u ah in ay Mbappe ka iibiso kooxda Man United laakiin waa hadii ay Milkiilayaasha reer Qatar la wareegaan milkiyada kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here