Liverpool Oo Laga Diiday Dalab Ay Ka Gudbisy Xiddig U Ciyaara Real Madrid.

0
114

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay Liverpool ka diiday dalab lacageed oo dhan 51 milyan oo ay Liverpool ku doonaysay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Federico Valverde.

Xiddiga 24 jirka ah ayaa muhiim ka ahaa Real Madrid xili ciyaareedkii dhamaaday waxana uu ciyaaray 56 kulan tartamada oo dhan isaga oo dhaliyay 12 gool 7 kalena caawiye ka noqday.

Real Madrid ayaa kaliya ku guulaystay Copa del Rey, UEFA Super Cup and Club World Cup xilli ciyaareedkii dhamaaday.

Valverde ayaa qalinka ku duugay heshiis cusub sanadkii 2021 waxana uu heshiiskiisa haatan dhacayaa ilaa sanadka 2027 laakiin waxa uu shaki ku jiray mustaqbalkiisa.

Sida laga soo xigtay El Nacional, Tababaraha Liverpool ee klopp ayaa taageero u ah xiddiga reer Uruguay waxana uu doonayaain uu ku xoojiyo kooxdiisa.

Klopp iyo Liverpool ayaa dalab 51 milyan ah ka gudbiyay saxiixa xiddiga Valverde si ay Real Madrid ugu tijaabiyaan go’aankooda laakiin Real ayaa isla markiiba diiday dalabkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here