Laba Koox Oo Premier League Ah Oo Doonaya Saxiixa Kylian Mbappe.

0
104

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Chelsea ayaa dooneysa inay Kylian Mbappe kala soo wareegto Paris Saint-Germain, sida ay wararku sheegayaan.

Mustaqbalka xiddiga reer France ee Paris ayaan la hubin ka dib markii uu shaaca ka qaaday in aanu u cusboonaysiin doonin heshiiskiisa kooxda.

Blues ayaa kula biirtay Manchester United tartanka loogu jiro saxiixa 24 jirkaan.

Xiisaha United ayaa ku xirnaan kara cidda ku guuleysata tartanka lahaanshaha kooxda iyada oo ay wararku sheegayaan in maal-qabeenka reer Qatar Sheikh Jassim Bin Hamad Al Thani uu ku guulaystay iibsiga kooxda Man United.

Kooxda PSG ayaan xiddiga reer France u ogolaan doonin in uu qaab bilaash ah kaga tago waxana ay isku dayi doontaa in ay iska iibiso.

Sida laga soo xigtay wargayska The Times, PSG ayaa doonaysa in ay xiddiga iska iibiso xiddiga hadii uuna ogolaan in uu saxiixo heshiis cusub oo hal sano ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here