Arsenal Oo War Xun Ka Heshay Baacsiga Ay Ugu Jirtay Saxiixa lkay Gundogan

0
166

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Kooxda Arsenal ayaa war xun ka heshay baacsiga ay ugu jirto xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man City ee lkay Gundogan iyada oo kooxaha sucuudiga ka ciyaara kula biireen tartanka xiddiga.

Xiddiga 32 jirka ah oo dhawaan kula guulaystay Man City premier League ayuu heshiiskiisa kooxda City dhacaya dhamaadka bishan haatan lagu jira waxana si weyn loola xidhiidhinayay kooxda Arsenal.

Mikel Arteta ayaa doonayay in uu xiddiga kula midoobo Arsenal kadib markii uu kula shaqeeyay Man City intii uu caawiyaha ka ahaa kooxdaas.

Laakiin sida laga soo xigtay Evening Standard, Kooxaha sucuudiga ayaa Arsenal kula biiray baacsiga xiddiga iyaga oo miiska u saaraya mushahar waali ah oo ayna xitaa Arsenal u dhawaan karin bixintiisa.

Gundogan ayaa ah xiddigii ugu dambeeyay ee ay kooxaha sucuudigu bartilmaameedsadaan waxana ay diyaar ula yihiin heshiis 2 sano ah oo uu sanadkii jeebka ku shubanayo wax ka badan 100 milyan oo euro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here