Dunida Oo Maanta Laga Xusayo Maalinta Baqdqabka Cuntada Aduunka

0
98

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Ururka cunnada iyo beeraha (FAO) iyo hay’adda caafimaadka aduunka (WHO) waxay sanad walbo 7 bisha June xusaan maalinta caalamiga ah ee bad baadinta cuntada ama in la helo raashiin bed qabo.

Sanadkan hal ku dhiga wuxuu yahay “Raashiinka oo la tayeeyo waxay bad baadisaa nolol” waxaana laga wadaa in la hormariyo heer ahaan lana tayeeyo cunnada si loo bad baadiyo dadka cunnayaan dallaga beeralaha kasoo go’o.

Ujeedka maalintan la isugu imaanayo waxay tahay in qof walbo lagu dhiiri galiyo laga soo bilaabo qofka cunnada soo saaro ilaa midka iibsado ama adeegsado inay ilaaliyaan heerka tayeenta cunnada si loo yareeyo raashiinka lagu sumoobo oo dad badan sanad walbo u dhintaan.

Warkung waliba nig haaye Bishaar Mayow Muqtaar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here