Arsenal Oo Dagaal U Galaysa In Ay Sii Haysato William Saliba Xilli Ay Kooxo Waaweyn Doonayaan.

0
78

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Illaa saddex kooxood ayaa la rumeysan yahay inay doonayaan saxiixa xiddiga daafaca ka ciyaara ee William Saliba iyadoo Gunners ay u dagaalamayso inay sii haysato daafaca dhexe.

Kaliya 12 bilood kadib markii uu ku soo biiray Arsenal, mustaqbalka xiddiga ee Emirates ayuu shaki soo galay iyada oo 3 jeer oo kala duwan amaah loogu diray kooxaha Saint-Etienne, Nice iyo Marseille.

Saliba ayaa kooxda Arsenal ku soo laabtay xagaagii waxana uu door weyn ka qaatay tartankii Arsenal ee xilli ciyaareedkan waxana uu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah.

Heshiiska xiddiga ee Arsenal ayaa haatan ku eeg ilaa sanadka 2024 waxana ay Arsenal doonaysaa in ay sii haysato xiddiga reer France.

Arsenal ayaa ku dhibaatoonaysa in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga daafaca ka ciyaara xilli uu heshiiskiisu dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Sida laga soo xigtay RMC Sport, waxa jirta 3 koox oo wadahadalo kula jira wakiilka xiddiga si ay ugu qanciyaan in uu ka tago kooxda.

Real Madrid, PSG iyo koox kale ayaa la sheegayaa in ay doonayaan saxiixa xiddiga si ay ugu xoojiyaan daafaca dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here