Madaxweynaha KGS oo ka qeyb galay Xuska Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed

0
110

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa kamid ah magaalooyinka dalka ee lagu qabtay Munaasabadda Xuska aas-aaskii Dalladda Dhallinyarada Soomaaliyeed, Waxaana soo qaban qaabisey wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha KGS.

Xoghayaha guud ee ururka dhalinyarada KGS Cabdi Jabriil ayaa tilmaamay ka dhalinyarad KGS ahaan ay uga dhigan tahay maalin weyn ay codkooda gaarsiin karaan madaxda dalka iyo maamulka goboleedka KGS.

Madaxweynaha dowlad goboleedka koonfur galbeed soomaaliya Cabdi casiis Xasan Maxamed ayaa Munaasabadda Xuska aas-aaskii Dalladda Dhallinyarada Soomaaliyeed awgeed waxa uu hambaliyo u diray dhalinyarada soomaaliyeed gaar ahaan kuwa KGS.

Warkung Waliba nig haaye Siid Ali Muuse Ateera

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here