Hordhac:- Man United Vs Wolves.

0
172

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Man United ayaa kulankaan galeysa iyadoo doneysa in ay ka fogaato guul darro u soo hoyin karta rikoor liita oo 2015-tii ugu dambeysay

Xogta Kulanka

Manchester United ayaa badisay kaliya hal kulan afartii kulan ee ugu dambeeyay oo ay garoonkeeda kula ciyaartay Wolves, laba bar-baro ayay gashay halka kulanka kalena laga badiyay.

Manchester United ayaa laga yaabaa inay la kulanto seddex guuldarro oo isku xigta oo horyaalka ah hal xilli ciyaareed markii ugu horeysay tan iyo December 2015 markaas oo uu macalin u ahaa Louis van Gaal.

Marcus Rashford ayaa dhaliyay 29 gool tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan, waana goolasha  ugu badnaa ee ciyaaryahan United ah dhaliyo  tan iyo Robin van Persie oo 30 gool dhaliyay xilli ciyaareedkii ugu dambeeyay ee Sir Alex Ferguson xilli ciyaareedkii 2012-13.

Wolves wax guul ah ma  gaarin lix kulan ee ay ka  ciyaartay Premier League, labo barbaro ayay gashay afarna waa laga badiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here