Muwaadiniin Soomaaliyeed Oo ku xanibnaa dalka Sudan Oo dalka dib Loogu soo Celiyey

0
158

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dalka ku soo celisay 123 Muwaadin oo ku xanibnaa dalka Sudan kuwaas oo u badan Ardey, 78 ka mid ah dadkaas waxaa la keenay Muqdisho halka 45 laga dajiyay Magaalada Garoowe.

Muwaadiniinta oo safar dhulka ah oo dowladdu fududeysay ku tagay dalka Ethiopia ayaa laga soo qaaday Magaalada Addis ababa, Masuuliyiin ay ka mid yihiin Ra’iisul wasaare ku xigeenka XFS, Wasiirada arrimaha dibadda,wasiirka Waxbarashada,Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka ayaa Garoonka Muqdisho ku soo dhaweeyay 78 ruux halka Garoowe ay ku soo dhaweeyeen Masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland.

Warkung Waliba nig haaye Abdyqaadir Mathey Nur War’ady

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here